Gen. Stephen Townsend oo booqasho ku yimid Muqdisho, lana kulmay..

Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika Jeneraal Stephen Townsend ayaa maanta booqasho ku tagay Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho

Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay taliska Maraykanka ee Afrika Jen. Stephen Townsend oo uu weheliyo arrima-fuliyaha safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Brian Néubert, ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waa markii labaad ee Jeneraal Townsend uu Soomaaliya booqdo tan iyo intii uu xilka qabtay bishii July.

Waxaana sidoo kale uu la kulmay madaxda Soomaaliya iyo ciidamada Maraykanka, isagoo kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab.

Jeneraal Stephen Townsend ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo ISIS ay halis ku yihiin Soomaaliya iyo dawladaha kale ee Afirka ee ay iskaashiga leeyihiin, loona baahan yahay in la ciribtiro.

Waxa uu sheegay inuu qasadkoodu yahay inay weeraraan Maraykanka inkastoo ayuu yiri aysan lahayn kartidii ay ku fulin lahaayeen weerar noocaas ah oo ka dhan ah Maraykanka, haddana ‘waxaa loo baahan yahay feejignaan’ sida lagu sheegay war saxaafadeedka.

“Maraykanku waxaa uu Soomaalida ka caawinayaa sidii ciidamada dowlada ay u heli lahaayeen tasiilaadka asaasiga ah ee ay kaga hortagi lahaayeen argagixisada dhibaatada ku heysa” ayuu yiri Stephen Townsend.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -